Dowlada ingiriiska ayaa ka Jawaabtay Hadalkii kasoo yeeray al-shabaab kasoo ku aadanaa in ay weerari doonaaN ciidamada ka socda Ingiriiska ee dhawaan imaan doona Magaalada muqdisho
War kasoo baxay dowlada UK ayaa lagu sheegay in aysan baaqin doonin ciidamada ingiriiska ka socda ee dhawaan uu sheegay Raisulwasaraha dalka Ingiriiska David Cameroon in ay imaan doonaan Magaalada Muqdisho
David Cameroon oo wadanka Marekanka kula Kulmay Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisan ay ka Taageeri doonto dowlada soomaliya arimahaha ciidaamada
Al-shabaab ayaa marar badan Hanjabaad u jeedisay wadamada ay ciidamadooda ay ka Joogaan soomaliya sida Jabuuti,Burundi, Uganda iyo wadamo kale oo soomaliya ka Taageera dhanka ciidamada iyo la dagaalanka al-shabaab

