Xilli lagu wado in shir Caalami ah oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya uu dhawaan ka furmidoono dalka Britain gaar ahaan Magaalada London Soomaaliyana uu hadda kasocdo diyaar-garowga shirkaasi magaalada Muqdishana uu ka furmay shalay shir looga hadlayo sidii madaxda Sare ee doiwladda dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka ay isku moowqif uga noqon-lahaayeen arimaha Soomaaliya ayaa waxaa senator ka tirsan aqalka sare ee dalka uu rajo ka muujiyey in madaxda soomaalidu ay isku fahmaan ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.
Sanator Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah sanatarada aqalka sare ee dalka oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in xilligan ay muuqato ififaalo is fahan ah oo meesha ka saaraya isbarbar-yaac ay sameeyaan madaxda maamul-goboleedyada dalka ayna sameeyaan shirar iyo heshiisyo aysan ogeyn dowladda dhexe Soomaaliya, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in laga gudbo in madaxda maamuladu ay sameeyaan galidda heshiisyo iyo kulamo madaxda dowladdu aysan ogeyn.
Waxaa uu hadalkiisa ku sheegay Sanator Baasto in dowladda Soomaaliya ay hadda qorshaha arintan ay ku wajahayso ay tahay si macquul ka dhigikarta Isfahan ku dhisan wax wada qabsi iyo meesha ka saaridda iska war-qab la’aanta dhinacyada Soomaalida.
Iftiin Xasan Baasto waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda Soomaaliya ay tahay mid curdun ah wax walbana hadda ay fursad ugu haysato in kusoo celiso sidii ay ahaayeen xilligii dowladnimada taas ayuusa sheegay inay ku imaankarto in loo dhaga-nuglaado baaqa madaxda dowladda iyo in la siiyo garab ku aaddan ka dhabaynta himiladeeda horka ah,waxaana uu sheegay in dowladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Farmaajo ay qaadday intii yareyd ee ay jirtay tillaabooyin iyo guulo muhiim ah oo ay dhinacya badan dowladdu ka sameysay sida uu yiri.
Hadalka Sanatorka ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay soo badanayeen heshiisyada ay Madaxda maamul-goboleedyada dalku la galayaan wadamo iyo hay’ado caalami ah iyadoona aysan arintaa waxba ka ogeyn madaxda sare ee dowladda Federalka oo maamul-goboleedyadu ay hoostagaan,taasi oo keentay isbar-bar yaac mararka ay ka wada qaybgalayaan shirar caalami ah,waxaana ka mid ah heshiisyada dowladda Federalku ay dhaliilsantahay ee maamul-goboleedyadu ay galeen heshiis dowladda Imaaradku ay la gashay maamulada Soomaaliland iyo Puntland waxaana heshiisyadaas qaarkood ka yaalla Mooshin lagu diiddanyahay walina xal lagama gaarin.
