Dowladda IngIriiska ayaa Muwaadiinteeda ugu digtay in Socdaal ku tagaaan Xaafadda Soomalida u badan ee Islii ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya, cabsi laga qabo weeraro Xarakada Al-shabaab ay halkaas ka geystaan iyo in rabshad ay isku badasho doorashada Kenya.
Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa-sooranka dalka Britain (FCO) digniin uu soo saaray ayaa lagu sheegay In Muwaadinta Ingiriiska ay Kenya ku sugan loogu digay in ay tagaan Magaalooyinka waa weyn ee dalka oo dhawaan ka dhici doonto Doorasho Siyaasadeed oo hordhac ah bishan April 13-da ilaa 26-da.
“Xilliyo hore, Dibadbaxyo Siyaasadeed iyo Bannaanbaxyo ka dhacay Kenya ayaa isku bedelay kuwo rabshadaysan, waa inaad ka taxadirtaan goobaha ay isugu yimaadaan Dadweynaha.” ayaa lagu yiri Digniinta ka soo baxday Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee Britain.
magaalooyinka Dowladda Ingriiska ay Muwaadiinteeda ugu digtay in safar ku tagaaan waxaa kamid ah Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, Degmadda Garissa iyo Deegaanadda kale ee 60-KM u jira Xuduudka ay Kenya iyo Somalia wadaagaan,.

