Yaa Gadaal Ka Riixaya Shirka Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Maamulka Goboleedyadda

0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda dalka ka jira ee maanta ka furmaya Magaalada muqdisho.

“Waxaan u rajaynayaa shirka dawlada federaalka iyo hogaamiyayaasha dawlad Goboleedyada ee Muqdisho ka furmaya is afagarad lagu gaaro. Wada shaqaynta labada dhinac wuxuu halbeeg u yahay hana qaadka hogaanka dawlada federaalka ah iyo hogaansanka madaxda Goboladda”, C/raxmaan C/shakuur Warsame.

“Ujeedka shirka waa in qorshe midaysan ee dhinaca Amniga, siyaasadda iyo horumarka lala tagaa shirka London. Waxaana riixaya Qaramada Midoobay iyo Dawlada Ingiriiska. Way haboonayd in aan inagu xilqaano, laakiin ma dhicin”,

“Siyaasadi sideedaba u tanaasul danta guud kama soo harto, kumaba sii jiro dal Soomaaliya oo kale ah oo ay wax badan gacanba inoogu jirin. Waxaa la joogaa xiligii qabka, tayda iyo taytalka gadaal la marin lahaa, xooggana la isugu gayn lahaa waxa ugu badan ee ay suuragal tahay in lagu heshiiyo, dibna loo dhigo intii lagu kala aragti duwan yahay”, ayuu mar kale yiri Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here