Taliska ciidamada Xooga soomaliyeed ee degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay degmadaas ka saareen ciidamada ka Tirsan kuwa al-shabaab Kadib dagaalo ka dhacay
Taliyaha ciidamada xooga soomaliyeed ee degmada ceelbuur axmed xasan Caraale oo wareysi siiyay Radio simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in degmada ceelbuur ay kula Dagaalameen ciidamado ka Tirsan al-shabaab ayna ka dileen tiro ka Tirsanaaa ciidankooda
Gobolka Galgaduud Gaar ahaan degmada Ceelbuur waxaa ku sugan ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab waxaa jirey Baryihii dambe dhaqdhaqaaqyo ciidan ay wadeen ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolkaas ku sugan

