Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay in Maamulka Ahlusuna laga qeyb galiyo doorashada islamarkaana laga fogaado wax walba oo dhibaato ku keeni karo Dowladda Goboleed uu yeesho Gobolada Dhexe.
C/kariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebok ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta Galmudug in aysan dayacin fursada xiligaan jirta, islamarkaana laga faaideysto dadaalka Dowladda Dhexe iyo Dib u heshiisiinta.
TALO SOO JEEDIN
Ayadoo laga Anbaqaadayo wararka niyadwanaaga iyo yadadiisha leh ee ka soo baxay Maamulka Ururka.Culumada Ahlu Sunna, lana tixgalinayo taladii Raisu Wasaare Xasan kjeyre, lagana faaideysanayo casharadii laga bartay mashaakilaadkii la soo darsay Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo khaladaadkii horay loo soo maray, ayaan waxaan Masuuliinta iyo Xildhibaanada iyo Dadweynaha Reer galmudugba u soo jeedin lahaa talooyinkaan soo socda:
1. In Masuuliinta Galmudug ay si niyad wanaag u soo dhaweeyaan warka yadadiisha leh ee ka soo yeeran dhanka Maamulka Culumada Alhu Sunna, ayna muujiyaan tanaasul kasta oo keeni kara maamul mideysan oo ka hana qaado Gobalada Dhexe.
2. Inaan lagu deg degin Doorashooyinka Galmudug oo fursad la siiyo jawiga wanaagsan ee hatan bilowday.
3. In Dowladda dhexe ay dadajiso dhameystirka wadahadalada labada dhinac si uu u soo baxo maamul Galmudug oo modeysan meeshana looga saaro kala.qoqobnaantii iyo kala qeybsanaantii.

