Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamul Goboleedka Galmudug waxaa manata Gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Juxa.
Wasiir Juxa waxaa wafdigiisa kamid ahaa Xildhibaano ka Tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya, xubno ka Tirsan aqalka Sare wasiiro, iyo wasiiro ku-xigeeno oo dhamaanba kasoo jeeda deeganada maamulka Galmudug.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado waxaa wafdigaan kusoo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Maamulka galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug Cali Casir Gacal, Gudoomiye ku-xigeeno Baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo tiro Xildhibaano ah.
Gudoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo warbaahinta ugu horeyntii la hadlay ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay soo dhaweynayaan in safarkiisa ugu horeeyay wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Juxa uu ku yimaado deeganada Galmudug.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa isna sheegay in uu dhankiisa aad ugu faraxsan yahay gaarista magaalada Cadaado islamarkaana safarkiisa guulo ka gaari doono.
wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdi Faarax Juxa intuu ku sugan yahay Magaalada Cadaado waxa kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Puntland arrimaha uu kala hadlaayo waxaa ugu mhiimsan Doorashada madaxweynaha Maamulka.



















