Kaluumaysatada Hobyo oo Dhibaatooyin Kala Kulma Maraakiibta Shisheeye+Dhageyso

0

Maamulka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Howlgal dad badan lagu qab-qabtay laga sameeyay gudaha magaaladaas.

Mursl Maxamuud Xoghayaha degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in nabad ay tahay degmada islamarkaana wararkaas howlgalada la sameeyay ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu qalqalgalinayo amniga Degmada.

Dhanka kale Mursl Maxamuud Xoghayaha degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Maamulka ay soo gaaraaan cabashooyin kasoo yeeraya Kuluumaysatada oo dhibaatootin kala kulmaya Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan xeebaha Gobolka Mudug ee Galmudug.

Waxa uu sheegay Mursl Maxamuud Xoghayaha degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug in ay arintaas u gudbiyeen Wasaaradda kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ee Maamulka ay Jawaab ka sugayaan.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay warbaahinada qaar ay baahiyeen warar ku aadan in Howlgalo baaritaano ah laga sameeyay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, islamarkaana dad badan lagu qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here