Ciidamada Ethopia ee qeybta ah ka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM e ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa lagu eedeeyay in ay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan Gobolkaas.
Madaxa Howlgalinta Ciidamada Dowlada ee Gobalka Gedo Aadan Cabdi Cali oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Ethopia aysan ka qeyb qaadanin Howlgalada lagula dagaalamo Al-shabaab,islamarkaana ay ku sugan yihiin goobaha muhiimka ah ay ku yaala degmada Baardheere ee Gobolkaas.
Waxa uu sheegay Madaxa Howlgalinta Ciidamada Dowlada ee Gobalka Gedo Aadan Cabdi Cali in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay kaliyah ka qeyb qaataan howlgalada lagula dagaalamo Xarakada Al-shabaab.
Dowladda Dhexe ee Soomaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabato dhiibaatooyinka ay Ciidamada Ethopia ku hayaan shacabka iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Soomaliyeed.

