Madaxweynaha Mareykanka Trump oo Soomaaliya Ku Tilmaamay aag Dagaal

0

Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump ayaa amray in la’qaado tallaabo looga hortagayo qasaaraha soogaara shacabka soomaaliyeed si xaalado wanaagsan ay ugu noolaadaan waxaana uu ku dhawaaqay in soomaaliya ay tahay goob dagaal(War Zone).

Trump ayaa sheegay in soomaaliya ay tahay goob cadaawad looga dhaqmo sida uu daabacay wargeyskaa New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka waxaana intaa uu ku daray in muhiim ay tahay ka howlgelinta soomaaliya saraakiil sar sare si’ loola dagaalamo Xarakada Al-shabaab oo ku sugan meelo badan oo soomali ah.

Wargeyska ayaa soo xiganaya hadal uu todobaadkan yiri taliyaha sare ee qaarada Africa u qaabilsan Gen. Thomas D. Waldhauser”waa mid muhiim oo waxbadan ka’caawineysa soomaaliya in waxbadan laga qabto xaaladda dalka soomaaliya iyadoo go’aanka mareykanka uu qaatay uu yahay mid muhiim ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here