Golaha Wasiiradda Cusub ee Xukuumadda Soomaliya ayaa lagu wargaliyay in ay soo buuxiyaan Foomam ay ku qoran yihiin Dukumentiyo muhiim ay kamid tahay anshaxa, iyo sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen si daacadnimo iyo Midnimo ah.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Injineer C/raxmaan Cusmaan Yariisow oo Warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo dhamaaday kulankii ugu horeeyay ee Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya oo uu Shir Gudoominayay Raisulwasaraha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in wasiiradda loogu baahan yahay buuxinta Foomanka.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya injineer C/raxmaan Cusmaan Yariisow ayaa tilmaamay in wasiiradda Cusub ee Xukuumadda Soomaliya loogu baahan yahay in ay saxiixaan hantidooda gaarka u leeyihiin si hadhow islaxisaabtan uu yimaaado markuu loo baahdo.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya injineer c/raxmaan Cusmaan yariisow ayaa tilmaamay In talaabadaan uu soo bandhigay Raisulwasaaraha Xukuumaddda Soomaliya Xasan Cali Kheyre islamarkaama ay meesha ka saarayso shakigii laga qaadi jirey Madaxda Dowladda Somaliya.

