Wararka ka imaanaya degamda caabduwaaq ayaa kuw aramaya in rag hubeysan gudaha degmadaasi ay ku dileen labo nin oo kamid ahaa dadka degamda sidoo kale waxa ay dhaawaceen Afar kale.
Raga hubeysan ayaa la sheegay in risaas ay hubiyeen dadkaan ku sugnaa gudaha degamda caabudwaaq ee gobolka galgaduud.
Gudoomiyaha degmada caabudwaaq Mahad Cumar ayaa sheegay in ay baadigoob ugu jiraan kooxihi dilkaan ka danbeeyay isaga oona tilmaamay in arintaan ay uga shakisan yihiin falal la xariiro aanooyin qabiil oo degmadaasi ku soo badanaya.

