Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Mudane Maxamed sheikh cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalinta Bari ah uu Furmi doono wada xaajood lagu xalinaayo qaar kamid Qodobadkii ku xusnaa Mooshinkii dhawaan laga soo Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud Tariikhdu markey aheyd 12- August .
Maxamed sheikh cusmaan Jawaari ayaa ugu Baaqay xildhibaanada dhawaan Madaxweynaha soomaliya Xasan shiikh Maxamuud kasoo Gudbiyay Mooshinka in ay soo xaadiraan kulanka si wada xaajood loogu sameeyo arinta Mooshinka
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Maxamuud Jawaari ayaa sheegay in kulanka uu Maalinta Bari ah uu dhici doono saacada markey tahay 11;00 barqanimo
Dhawaan ayay ahey markii xildhibaano gaara ilaa 90-xildhibaan ay mooshin ka Gudbiyeen Madaxweynaha soomaliya iyagoona sheegay in Xasan sheikh Maxamuud uu ku Fashilmay xilka Madaxtinimo mudadii uu Hayay
Dhanka kale gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya ayaa magaalada Muqdisho kula Kulmay Ergeyga Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyagoona kawada Hadlay arimo badan iyo xiriirka u dhaxeeya soomaliya iyo Mareykanka
Mr David Ergeyga Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo saxaafada la Hadlay ayaa sheegyay in uu aad ugu Faraxsan yahay in uu la Kulmo Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Jawaari

