Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Maanta Dhagax Dhigay Xarun Ay ku shaqeeyn doonto Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Ee Xukuumada Somalia.
Munaasabad Ka dhacday oo kadhacaday halka ay ka bilaabaneeyso Dhismaha Xarunta Ayaa hadal kooban Waxaa halkaasi Jadeediyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa sheegay in Dhagax Dhiga Dhismahaasi Ay tahay qeyb kamid ah Hormarka ay gaartay Dowladiisa waxaana uu sheegay in hadda Dalku uu Cagaha Saaray Dhabihii Hormarka iyo Dhismaha.
Dowlada Somalia Ayaa baryihii ugu Dambeeysay Waxa ay Dadka Daganaa ay ka saareeysay Xarumaha Ay ku shaqeeyn jirtay Dowladii Dhexe Ee Dalka Somalia Waxaana Xusid Mudan in Qaar kamid ah Xarumihii Dadka Laga Saaray Qaarkood dib u dhis lagu sameeyay Halka qaarka kalena ay yihiin kuwo Aan Wali Dhismo lagu bilaabin

