Olalaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Magaalada Cadaado Laga Dareemayo

0

Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa todobaadkan ka bilowday olalaha doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug kadib markii uu xilkaasi iska casilay C/kariin Xuseen Guuleed oo Galmudug soo hogaamiyay 19-bilood.

Shaqsiyaadka u ololaynaya xilka madaxweynaha Galmudug ayaa bilaabay in ay tabeelayaal ay sawirada Musharixiinta iyo erayo doorasho ku qoran yihiin ka taageen hareera wadooyinka magaalada Cadaado, waxaana magaalada ku soo qulqulaya siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Sidoo kale Magaalada Cadaado waxaa gaaray in ka badan 60 xildhibaan, waxaana xildhibaanadu shirar aan kala joogsi laheyn uga socdaa hoteelada Magaalada, Xildhibaanada oo horey ku kala aragti duwanaa ayaa hadda isku dayaya in ay mideeyaan fikirkooda, si ay u gutaan howsha hortaala, kadib markii ay ku kala qeyb sameen xil ka qaadistii Madaxweyne Guuleed.

Magaalada Cadaado ayaa tan iyo 2013 marti galisay afar doorasho oo kala ah.
Doorashadii Madaxweynihii Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Baarleex 2013-kii, Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo dhismihii maamulka 2015, Doorashada xildhibaanda Golaha shacabka iyo Aqalka sare Qeybta Galmudug 2016, iyo doorashada hadda lagu dooranayo Madaxweynihii 2-aad Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here