Golaha Wakiiladda Somali-land oo Meel Mariyay Wada Hadalka Somaliland iyo Khaatumo

0

Kulan ay golaha wakiiladda ee Maamulka Somali-land ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaas islarmarkaana uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayay cod gacan taag ah waxa lagu meel mariyay in golaha wakiiladu tageero wada hadalka Somaliland iyo Maamulka khaatumo State u socda.

Fadhiga oo ay ka soo xaadireen 44 xildhibaan ayaa guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax waxa uu ku wargaliyay in cod gacanta ah loo qaadayo sidii golaha wakiiladu u taageeri lahaa wada hadalka u socda maamulka khaatumo iyo Somaliland.

Sidoo kale golaha wakiiladda ee Maamulka Somali-land ayaa maamul jira waxa ay u aqoonsadeen Khaatumo State, waxayna waxa laga xumaado ku tilmaamay In laga shaqeeyo isku dirka labada Maamul.

Maamulada Somaliland iyo khaatumo State ayaa wada-hadalo Nabadeed ku yeeshay Magaalooyinka adis ababa ee Jabuuti,waxayna ku heshiyeen in wax walba oo colaad ah lagu dhameeyo wada-hadal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here