2-Ruux ayaa ku dhaawacantay Qarax xalay lagu Weeraray Idaacadda Ku Hadasha Afka Maamulka Koonfur Galbeed oo ku taala Magaalada Baydhabo.
Qaraxa xoogan ayaa xalay laga maqlay magaalada baydhabo ee gobolka bay iyadoona faafaahino kala duwan ay ka soo baxayaan qaraxa.
Qarax Bamb ayaa lagu weeraray Idaacad ku hadasha Afka Maamulka Koonfur galbeed oo ku taala magaalada baydhabo.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku dhacay irida idaacadda islamarkaana dhaawacyo ay ka soo gaareen sida la xaqiijiyay ilaalada idaacadda.
Labo kamid ah ilaalada xarunta idaacadda koonfur Galbeed ayaa dhaawac uu ka soo gaaray qarax.
Ciidamada maamulka koonfur galbeed Soomaliya ayaa haatan magaalada howlgalo kawada, waxaana la ogeyn shaqsiyaadka loo soo qabtay falkaas.

