Soomaali Cabanaysa oo Ku Xiran Xabsiyada Dalka Suudaan

0

Maalin uun kaddib markii 32 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ka qaxay dalka Yaman lagu laayay badda cas, ayaa waxaa hadda soo baxaysa qeylo dhaan ay samaynayaan qoysas Soomaali ah oo ka soo caray Yaman balse ku xiran dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah dadkan oo BBC-da la soo xiriiray ayaa waxa ay sheegeen in ilaa 185 qoys ay gaarayaan ayna 11 bilood xabsi ku jireen.
Dhanka kale Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum ayaa sheegtay in ay ka war hayso dadkaasi oo ay xabsiga ku booqdeen.

Maxamed Cabdullaahi Ugaas oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan, ayaa sheegay in ay ka war qabaan 102 qof oo sheegtay in ay ka yimaadeen Yaman basle ay diideen in Soomaaliya dib loogu celiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here