Madaxweynaha Dalka Turkey-ga Tayyip Erdogan oo Magaalada Muqdisho Imaanaya

0

Sida uu qoray Jaraaidka kasoo baxa dalka Russia Yeni Safak, Madaxweynha dalka turkey-ga Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee April uu booqasho ku yimaado Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Socdaalkiisa Magaalada Muqdisho waxa ku wehlin doona Gen. Hulusi Akar oo ah Taliyaha ugu sareeeya Ciidamada dalka Turky-ga.

Madaxweynaha ayaa xariga ka jari doona Saldhig Dowladda turkey-ga ay ka dhisayso meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada muqdisho ee Aadan Cadde, wuxuu dhisamahaas soo bilowday sanadkii 2015-kii.

Qarashka ku baxaya Saldhiga Malatari ee Dowladda turkey-ga ay ka hirgalinayso Magaalada muqdisho ee Caasimada Somaliya ayaa lagu sheegay $50 million, waxuuna awood u leeyahay in 500-askari lagu tababaro halkii marba, waxaa sidoo kale ku yaala 3-xarun School oo Ciidamada loogu talagalay.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Saldhigaan malatari ay ku tababaran doonaan Ciidamo kale oo Soomaliya ka howlgala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here