War Deg Deg:-4-ruux oo Goordhaweyd Ku Geeriyooday Degmada Qoryooley+Dhageyso

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in goordhaweyd isbitaalka Degmadaas ay ku geeriyoodeen 4-ruux oo dad waa weyn u ku jiraan kadib markii uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka.

Agaasimaha isbitaalka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdi Xuseen Maxamed, oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka ay ku geeriyoodeen 4-ruux oo dad da’ ah, islamarkaana ay jiraan dad kale oo la jiifo isbitaalka oo xaaladooda laga deyrinaayo.

Cabdi Xuseen Maxamed ayaa tilmaamay in isbitaalka Degmada Qoryooley aysan oolin daawo ku filan islamarkaana ay maalin dad u dhintaan cudurka Shuban biyoodka oo xiligaan ka dilaacay Gobolada dalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here