Mareykanka iyo Sacuudiga oo Iska Fogeeyay Weerar Lagu Laayay Qaxooti Soomaaliyeed

0

Iyadoo gantaal lagu dhuftay dooni ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 40 qufood ayaa Wakaala wararka ee Saba waxa ay baahisay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha isbaheysiga dagaalka ee dowlada sacuudiga horkaceyso laakiin faafaahin dheeraad ah kama aysan bixin.

Waxaa durbadiiba warbaahinta la hadlay oo warkaasi dafiray afhayeenka isbaheysiga sacuudiga uu horkacayo Maj Gen Ahmed Assiri waxaana uu sheegay in aysan ku luglaheyn duqeynta ka dhacday Magaalada Hudeydiya taa oo shacab Soomaaliyeed lagu xasuuqay.

“Majirto wax duqeyn ah oo aagaas isbaheysigeena ay ka fuliyeen” ayuu yiri isagoo sheegay in bishii January ee sanadkan kooxaha xuutiyiinta in deegaanadaasi ay duqeymo ka fuliyeen kuaa oo heesta diyaarada helicopter-ka.

Waxaa sidoo kale duqeyntaasi iska fogeeyay afahayeen u hadlay waaxda difaaca Pentagon-ka ee dalka maraykanka kaa oo lagu magacabo Adam Stump waxaana uu sheegay in 24-saac ee ugu dambeesay in wax duqeyn ah halkaasi aysan ka fulin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here