Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo Muqdisho Soo Gaaraya

0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Mahamat Faki ee dhawaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada addis ababa ee xarunta dalka ethopia ayaa maanta lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Qaban-qaabada lagu soo dhawenayo Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Mahamat Faki ayaa haatan laga dareemaya Magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay amaanka Magaalada.

Laga soo bilaabo Garoonka Diyaaradaha ilaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada muqdisho ayaa xiran waxaa lagu arkayaa goobahaaas Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya iyo Midowga Afrika ee AMISOM.

Intuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi donaan madaxda Dowladda Soomaliya, sida Madaxweyaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirkii Hore ee arrimaha dibada dalka Chad Moussa Mahamat Faki ayaa dhawaan ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika kadib loolal ay wada galeen wasiirka arrimaha Dibada dalka Kenya Aamina maxamed Jibriil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here