Dowladda Malaysia oo Ciidamo Usoo Diraysa Wadanka Soomaliya

0

Dowladda Malaysia ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso Ciidamo ka qeyb qaata xaaladaha bini aadanimo ee daba dheeraataay kuwaa oo ku dhuftay gudaha dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan caawinta Shacabka Soomaaliyeed. sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga dalka Malaysia Hishammudin Tun Hussein.

Waxaa intaa uu ku daray wasiirka gaashaandhiga in go’aanka lagu soo dirayo ciidamadan u dhashay dalka Malaysia in ay timid kadib markii ay kulan kuwada qaateen magaalada riyad ee dalka Saudi Arabia ra’isul wasaare ku xigeenka dowlada soomaaliya cumar carte qaalib isagoo timaamay in sidoo kale ra’isul wasaare ku xigeenka soomaaliya uu ka codsaday dowlada Malaysia gaar gaar isugu jiro cuno iyo daawooyin si loo gaarsiiyo dadka ay abaarahu saameeyeen.

Codsiga dowlada soomaaliya ayaa la’ansixiyay kaa oo la’hordhigay golaha wasiirada dowlada Malaysia oo lagu shaaciyay in saddex sarkaal 17 ciidan oo military iyo 10 ciidan oo ku dhulka ah in soomaaliya loo soo diro si ay waxbadan kaga qabtaan xaaladaha dalka soomaaliya ka taagaan oo abaarta ay ugu horeyso.

Ciidamadan Malaysia u dhashay ayaa ka soo ambabaxaya gudaha dalka Saudi Arabia kuwaa oo la sheegay in qibrad iyo aqoon ay u leeyihiin caawinta arimaha deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here