Dowladda Ingiriiska oo Kenya Ka Taageraysa Dagaalka Xarakada Al-shabaab

0

Xoghayaha arimaha dibadda ee dowlada Britan Boris Johnson aya sheegay in dowlada Kenya ay ka taagerayaan dagaalka lagula jiro xarakada al shabaab isagoo dhanka kale xusay in uu ka taageeri doono abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo ka tirsan dalka Kenya.

Shir saxaafadeed ay si wadajir ah ugu wada qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya Boris Johnson iyo uhuru Kenyatta-ayaa xoghaya arimaha dibadda ee UK waxa uu xusay in 4miliion oo Pound dowlada britian ay kaga qeyb qaadaneyso wax ugu qabashada abaaraha ku dhuftay dalkaasi iyo la’dagaalanka xarakada al shabab waxaana intaa uu kudaray in lacagahan sida ugu dhaqsiyaha badan Loo gudoon siin doono dowlada Kenya isagoo dhanka kale xusay in tabo bar loo fidin doono ciidamada Kenya kuwaa oo ay bixinayaan saraakiil british ah.

Xoghaya arimaha dibadda ee dowlada UK ayaa sidoo kale sheegay in ay taageero siin doonaan howlgalka midowga Africa ee AMISOM si kor loogu qaado dagaalka lagula jiro xarakada al shabab oo soomaliya ka dagaalanta.

Amina Mohammed oo ah wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegtay in dowlada britian taageero dhan walba ah in ay lagarab taagaantahay dowlada Kenya iyadoo ka garab istaagta arimaha ganacsiga waxbarashada iyo maalgelinta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here