Dowladda Britain oo Ka Fiirsanaysa Dhaqaalaha ay Ku Bixiso Ciidamada AMISOM

0

Madaxweynaha dalka Uganda Museveni iyo wasiirka arrimaha dibada Britain Boris Johnson oo kulan albaabada uu u xirnaa ku yeeshay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa kawada hadlay arrimaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Wargeyska The Minotor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa qoray in Dowladda ingiriiska ay ka fiirsanayso dhaqaalaha ay ku bixiso ciidmada nabad ilaalinta ee ka howlgala dalka Soomaaliya AMISOM, madaama Uk ay ka baxday Ururka Midowga Yurub.

Dowladda ingiriiska ayaa doonaysa in ay si gaar ah dhaqaale ugu bixiso ciidamada Midowoga Afrika AMISOM oo aysan u soo marsiin Ururka Midowga Yurub, waxayna madaxda Uganda iyo UK ku heshiiyeen in arrintan loogaga hadlo kulanka sida gaarka ah loogaga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya oo lagu wado in lagu qabto Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska 11bisha May ee soo socota.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili ururka Midowga yurub uu sanadkii hore uu sheegay in 20% la dhimi doono dhaqaalaha la siiyo Ciidamada AMISOM, waxayna sidoo kale tani ay timid iyadoo Ingiriiska uu ka baxay Ururka Midowga Yurub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here