Xuutiyiinta oo Haya Soomaalidii Ka Badbaaday Doontii Lagu Weerarray Yemen

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyntii loo geystay dooni ay dad Soomaali ah saarnaayeen, taasoo maraysay badda Yemen kuna socotay dalka Sudan.

Inta la xaqiijiyay 32 qof ayaa ku dhimatay duqeyntaasi, waxaana weli la la’ yahay 15 kale oo Soomali ay ku jiraan kuwaadi oo kusii jeeday dalka Suudaan.

Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya cadan mudane Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 30-ruux oo Soomali ay ku jirto ay dhinteen kadib markii Gantaal lagu dhuftay Dooni ay la socdeen oo kusii jeeday dalka Sudan.

Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan ayaa tilmaamay in tirada dadka ku dhintay Gantaal ku dhacay Doonta ee Soomaliya ay yihiin kuwa aad u yar islamarkaana ay jiraan dad kale oo Soomali aan aheyn oo weerarkaas ku dhintay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here