Askari Ragganimadiisa Ku Waayey Jirdi Loo Geystay oo Xukun Lagu Riday

0

Saraakiil ka Tirsan Maxkamadda Malatariga dalka Uganda oo isbuucii Hore soo gaaray Magaalada muqdisho ayaa waxa ay xukun ku rideen Majid Sebyara, oo ka tirsan Ciidamada Malatariga Uganda kaasi oo ay horey u jir-dileen Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Majid Sebyara oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee Soomaliya u jooga Nabad ilaalinta ayaa lagu eedeeyay in uu hub culus uu gacanta u galiyay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Askarigaan oo ah Aabe 33-jir leh 3 carruur ah ayaa maxkamadda ka hor xaqiijiyay inuu ragganimadiisa ku waayey Jirdilka loo geystay, wuxuuna soo bandhigay Dukumentiyo Laba Isbitaal oo baaritaano ku sameeyey xaalladiisa caafimaad.

Saraakiisha Maxkamadda Milliteriga Uganda oo Muqdisho ku sugnaa maalmihii dambe ayaa waxay Jimcihii la soo dhaafay xukunka Kiiskaasi kaga dhawaaqeen magaalladda Muqdisho, waxayna Askariga ku xukumeen Xabsi 20-sanno, madaama lagu eedeeyay in uu hub culus gacanta u galiyay dagaalyahanada
Xarakada Al-shabaab.

Majid Sebyara oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee Soomaliya u jooga Nabad ilaalinta ayaa xabsiga 20-sano ah waxa uu ku dhameysan doonaan Xabsiga Dhexe ee Luzira oo ku yaalla magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Hay’adaha xaquuqul insaanka ayaa arintaan walaac ka muujiyay kadib markii wargeysay the Monitor uu baahiyay wararka ku aadan in Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Uganda ay jirdil sida ay ugu wadeen askarigaan ay beeliyeen xubinimada Raganimadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here