Xoghaya arimaha dibadda dalka Britian Boris Johnson oo safar lama filaan ah ku yimid magaalada Mogadishu ee Caasimada Soomaliya isaga iyo wafdigiisa ayaa la kulmay madaxweynaha jamuuriyada federalka soomaaliya Mohamed abdullahi farmaajo oo kulan ay kuwada qaateen madaxtooyada Villa soomaaliya.
Xoghaya arimaha dibadda ee dalka Britian boris johanson ayaa la sheegay in kulankiisa oo saxaafada ay dibad joog ka aheyd in looga hadlay arimo ay kamid yihiin xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kataagan iyadoo boqortooyada britian ay kamid tahay dalalka qeybta ka ah dowladaha gargaarka bini aadanimo u fidinayo dalka soomaaliya oo haray lacag gaareysa 1 million oo ugu yaboohday in ay dalka wax kaga qabaneyso abaaraha kajira.
kulanka ayaa la sheegay in sidoo kale looga arinsaday arimaha amaanka ee dalka iyo xeriirka Somalia iyo Britain ay wadaagaan.

