Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Maxamed Xaashi (Qoobdeero) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa shacabka deeganadas ugu digay halista caafimaad ee ka dhalan karta cunitaanka hilibka xoolaha caatada ah ee abaartu saameysay.
Maxamed Xaashi (Qoobdeero) ayaa ugu baaqay wasaaradda caafimaadka iyo waaxyaha faya-dhowrka dowladdaha hoose ee Puntland inay suuqyada hilibka ka mamnuucaan in lagu gowraco xoolaha caatada ah ee takartu ka yaacday, kuwaas oo uu sheegay inay sababi karaan cuduro uu kamid yahay Daacuunka iyo kuwo kale oo kasii qatarsan.
Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Maxamed Xaashi (Qoobdeero) ayaa ugu baaqay dadka xoolaha ka ganacsada inaysan bulshadooda ku haligin neef jiran oo abaaraysan hilibkiisa ama caanihiisa, maxaa yeelay wuxuu sheegay in lagu jiro waqti adag oo cudurkii Shuban biyoodku sii faafayo, iskuna badali kara Daacuun.

