Madaxweynaha maamulka Maamulka Ahlusuna Waljeemaca ee Gobolka Dhexe Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulkaas ayaa sheegay in ay Heshiis la galeen Dowladda Federaalka Soomaliya.
Madaxweyne Shaakir ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu la yeeshay Madaxda dowladda Soomaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaliaya Farmaajo islamarkaana ay kawada hadleen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Maamulka gobolada Dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaliya.
Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Waljeemaca ee Gobolka Dhexe Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa sidoo kale sheegay in qodobada ay kawada hadleen Dowladda Soomaliya ay qeyb ka ahaayeen sidii loo qalabeyn lahaa Ciidamada Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee ku sugan Gobolada Dhexe.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Maamulka Ahlusuna Waljeemaca ee Gobolka Dhexe Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo warar sheegaya in Ahlusuna lagu qanciyay in ay la midoobaan Maamulka Galmudug State oo haatan yeelanayo Madaxweyne Cusub.

