Ciidamadii Gadoodka Ka Sameeyay Muqdisho oo Maxkamadda Lasoo Taagayo

0

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Max’ed Aadan Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In Gadoodkii ay sameeyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed axadii aynu soo dhaafnay uu ahaa mid sumcadda loogu dilayay Ciidamada Xoooga dalka Soomaliyeed.

‘’Ciidamada wax aysan waxba ka dhafeynin in ay ku kacaan waan uga digayaa, kuwaa falka gadoodka ah ku kacay wixii sharciga uu dhigayo ayaa la marinayaa, waan ognahay xeradaa muddada ay joogeen, sababtey u joogeenna waan ognahay, laakiin ciidamadii xeradaa joogay oo dhan kuma kicin tiro yar oo iyaga ka tirsan ayaa arintaa ku kacay sharciga ayaan la marinayaa’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Max’ed Aadan Axmed ayaa sheegay in Gadoodka ay Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed sameeyeen ujeedkisa uu ahaa sidii qalqal loo galin lahaa amniga Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Kuwa malatariga Dowladda Soomaliya ay sameeyeen gadood ay kaga cabanayeen Mushaar la’aan bilooyin ah waxa ayna eedeen u jeediyeen Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here