Al-Shabaab oo Sheegay in 20-ruux ay Ku Dileen Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxyadii Maanta ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Warar lagu baahiyay baraha Bulshada Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo naftii huriyaal ahaa ay fuliyeen qaraxyadii seddexdaas ahaa islamarkaana qasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamo iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.

“Ku dhawaad 20 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin, Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaliya ayaa lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, Iyadoona tiro kale ay halkaas ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadii ka dhacay Maanta magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay in ka badan 15-ruux oo u badan Shacab Soomaliyeed, madaxda dowladda Soomaliya oo ka hadlay qaraxyadaan ayaa kaliyah kusoo koobay hadalkooda caambeereyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here