Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Amni darrada ka jirta Soomaaliya ay u aragtay in dhismaha safaaradeeda magaalada Mogadishu ay hakiso sida wasiirka Arrimaha dibada dowlada Kenya Amina Mohmed ay u sheegtay baarlamaanka dalkaasi.
Waxaa Amina ay intaa ku dartay in dhismaha intiisa badan la dhameystiray sida xafiiska iyo qeybta safiirka iyo shaqaalaha safaarada ay ku shaqeyn lahaayeen balse hadda la hakiyay dhismaha sababo Xagga Amaanka.
Ms Amina ayaa Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda u sheegtay in dhismaha mashruuca dhisitaanka safaarada la bilaabay bishii august 2015-kii iyadoo lagu waday in la dhameytiro bishii December 2016.
“Si walba oo ay ahaato hoos ayaa loo dhigay dhismaha safaarada caqabado dhanka amaanka ah aawadeed” sidaas ayey u sheegtay amina baarlamaanka dalkaasi Kenya.
35% dhameystirka dhismaha ayeey sidoo kale sheegtay in la gaba gabeeyay oo lacag dhan 19.3 billion loo qorsheeyay 2017/2018.
Bishii March 2014-kii dowlada Kenya ayaa si toos ah ugu dhawaaqday qorshaha dib loogu furaya safaaradeeda magalada Mogadishu si ay kor ugu qaado xiriirka diploomaasiyadeed ay la leedahay Soomaaliya.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa kadib markii dowlada uu hogaamiye Mohamed abdullahi farmajo ay ku amartay safaaradaha ku dhex yaalo madaxtooyada in ay ka guuraan oo gooba kale ay dhistaan.

