Daawo Sawirro:-Qaraxyadii Lagu Weeraray Hoteelka Wehliye

0

Labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa abaarihii 10:15-daqiiqo waxaa lagu weeraray Hoteelka Wehliye oo ku yaala inta u dhaxeysa wadada Sayidka iyo dabka.

Qaraxyaadan ayaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaa la xaqiijiyay in ay fuliyeen rag naftii horayaal ahaa.

Qaraxa koowaad ayaa la xaqiijiyay in lagu fuliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaa lagu qarxiyay afafka hore ee Hoteelka wehliye oo ku yaala inta u dhaxeysa Sayidka iyo dabka.

Qaraxa Labaad ayaa la xaqiijiyay asna in lagu dhuftay gaari uu leeyahay Maxamed cumar Ceymooy Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxaa la xaqiijiyay in xiligaas uusan gaariga saarneen.


CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here