Mareykanka oo Ka Cabsi Qaba in Al-shabaab Ay Soomaaliya Isku Sii Fidiyaan Sanadka 2018-ka

0

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaarada Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay dib ula wareegaan goobihii sanado ka hor laga saaray waa marka ay Ciidamada AMISOM Soomaliya ka baxaan sanadkan 2018-ka.

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika Jeneraal Thomas D. Waldhauser oo khudbad ka horjeedinayay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay dhici karto in Al-shabaab ay dib u qabsadaan saldhigyo iyo goobo muhiim ah oo laga saaray sanadkii 2007-dii kadib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay qaadeen weeraro xoogan.

“Ciidamada AMISOM waligood ma joogi doonaan, Ciidamada Dowladda Soomaliya awood uma laha in ay iska xajiyaan weerarada Al-shabaab islamarkaana ay maamulaan goobaha ay haatan ku sugan yihiin, Ciidamada AMISOM hadii ay Soomaliya ka baxaan Al-shabaab waxaa macquul ah in ay la wareegaan goobaha ay ka baxayaan AMISOM,xitaa Daacish ayaa suurta gal ah in ay awood ku yeelato Soomaliya”, ayuu yiri General Thomas Waldhauser.

Fransisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in xiligaan loo baahan yahay Ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata dagaalka Lagula jiro Al-shabaab,madaama Ciidamada AMISOM ay Soomaliya ku sugnaayeen muddo 10-sano.

Waxa uu sidoo kale sheegay Fransisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in wax guulo ah aan laga gaari doonin dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab hadii aan la aqbalin codsiga ku aadan in Ciidamo dheeraad ah la keeno Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here