Askari ka Tirsan Ciidamada Maamulka puntland ayaa Maanta Suuqa Xero Dayax ee Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dilay haweeney kamid aheyd Ganacsatada Suuqaaas.
Askarigaan ka Tirsan Ciidamada Dowladda Hoose ee Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa dilay Hooyo Foos Maxamed oo kamid aheyd Ganacsatada Suuqa kadib markii ay ku murmeen lacag canshuur ah oo gaaraysay 5,000 shilling Somaliga ah.
Dad ku sugan Suuqa Xero Dayax ee Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo la hadlay idaacadda simba ayaa xaqiijiyay in marxuumada ay u sheegtay askariga inaysan haysan wax lacag ah oo canshuurta ku bixiso maadaama aan waxba laga iibsan waqtigaas, laakiin askariga ayaa arrintaan ka biyo diday.
Muran kooban kadib askariga ka Tirsan Ciidamada Puntland ayaa dil bareer u geystay haweenaydaan, kadibna goobta ayuu isaga baxsaday.
Ciidamada Puntland ayaa wada howlgal ay ku baadi-goobayaan askariga dilka geystay.

