Wararka naga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in tiro Hoobiyayaal lagu tuuray abaarihii 02:30-daqiiqo xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad ee gudaha Degmadaas.
Hoobiyayaasha oo gaarayay ilaa 3-hoobiye ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaceen goob banaan ah,islamarkaana aysan geysan wax qasaaro ah sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba.
Maamulka Degmaa Hodan oo dhankooda aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in hoobiyayaasha ay degmada kusoo dhaceen balse aysan geysan wax qasaaro ah oo soo gaaray dadka shacabka ah.
Dhowr jeer oo hore Al-shabaab oo Hoobiyayaal ku tuuray xarunta kuliyadda Jaalle Siyad Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, oo ay saldhig Malatari ku leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika AMISOM,waxaa sidoo kale ku dhow xarun Dowladda Imaaraadka carabta ay ku Tababarto Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Dhanka kale Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed oo helay xogo ku saabsan hoobiyaasha oo la sheegay in laga tuuray Xaafadda Bar ubax, ayaa tiro dad ah ku qabtay Xaafadaas, waxay ku eedeeyeen in ay wax ka ogaayeen.

