Bambo Gacmeed Lagu Tuuray Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

0

Kooxo Hubeysan ayaa xalay bambo Gacmeed waxa ay ku tureen Madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar oo uu xalay gaaray Madaxweynaha Maamulkaas Mudane Cali C/laahi Osoble.

Dhawaqa bamka ayaa si weyn loogu maqlay xaafaddaha magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirhabeelle, waxaa sidoo kale xigay rasaas aad u xoogan oo laga maqlay halka bamka lagu tuuray.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle oo idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble uu kulamo la lahaa xiliga bamba lagu tuurayay xarunta qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maqribnimadii xalay gaaray magaalada Jowhar kadib markii ay safar dhulka ah ugaga soo baxeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here