Booliska oo Qabtay Lacag 2-milyan ah oo Been Abuur ah

0

Bilayska Kosovo ayaa qabtay 2milyan oo lacagta Euro ah oo la daabacay, waxayna madaxdu ku tilmaameen inay tahay lacagtii ugu badnayd oo been abuur ah oo lagu qabto Kosovo in ka badan 10-sano.

Gaari Taxi ah oo ay wateen laba nin oo kasoo kala jeeda Cameroon iyo Albania ayay bilaysku ku joojiyeen xudduudka Kosovo ay la wadaagto Albania. Waxaa gaarigaa laga helay lacag been abuur ah oo isugu jirta €50, €100, €200 iyo €500 oo boorso ku xiran gaariga qaybtiisa dambe.

Bilaysku waxay kaloo qabteen kiimiko lacagtaas lagu sameeyo.
Markii lacagtaa beenta ah la tiriyay waxay gaartay 2milyan 100 & 31kun. Waxaa kaloo laga helay laba passport oo Cameroon ah, aqoonsiyo degenaasho France ah.

Kosovo sumcad kuma laha inay kuwa wax kala gudbiyaa ay waddo ka dhigtaan, siduu kusoo warramyo wariyaha BBC-da Guy De Launey.

Taariikh ahaan Kosovo waxay ka tirsanaan jirta Serbia, laakiin Kosovo ayaa xornimada qaadatay 2008, waddamada Europe & Maraykan ayaa aqoonsan, waxaana ku sugan ciidamo ka socda NATO.

Laakiin dowladdaha Serbia & Ruushanku waxay aaminsan yihiin in Kosovo ay tahay qayb Serbia kamid ah.

Sanadkii tagay bishii November waxaa meel u dhow Bulgaria lagu qabtay lacag been abuur caddadkeedu gaarayo 13milyan oo Euro oo ahayd Shan-shan boqol.

Maxamed Jaamac Faarax
Simba News, Oslo Norway

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here