Waxaa isku day dil oo la doonayay in lagu qaarijiyo ka bad baaday mid kamid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug.
Xildhibaan C/fitaax Xasan Xuseen Alore oo kamid ah xubnaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa la sheegay in xaley uu ka bad baaday fal lagu toogan lahaa.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in C/fitaax Xasan ay risaas xoogan ku fureen inkastoo dhawaac fudud uu soo gaaray.
Dhaawaca C/fitaax Xasan ayaa la dhigay isbitaalka magaalada gaalkacyo halkaa oo iminka xaaladiisa lagu dabiibayo.

