War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Degmada Dharkeynley

0

Wararka haatan naga soo gaaraya xaafada Cel-dhanaan ee Degmada Dharkeynley ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay xafadaas caawa ku dileen mid kamid ahaa Ciidanka Minashiibiyada Dowladda Hoose ee xamar.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Bashiir Maxamuud Maxamed, waxa uuna kamid ahaa Ciidanka Minashiibiyada Dowladda Hoose.

Dad ku sugan xaafada Cel-dhanaan ee Degmada Dharkeynley oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay dilka askariga, waxayna sheegeen in rag hubeysan ay dhowr xabadood kaga dhufteen askariga qeybaha sare ee jirkiisa, taasi oo keentay in uu isla goobta ku dhinto.

Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ayaa goobta uu ka dhacay dilka gaaray,waxaa socda baaritaano lagu baadi-goobayo ragii ka dambeyay dilka Bashiir Maxamuud Maxamed, waxa uuna kamid ahaa Ciidanka Minashiibiyada Dowladda Hoose ee Xamar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here