Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas oo shir gudoomiyay kulankii Golaha wasiirada Maamulkaas ayaa sheegay in ay gacan bir ku qaban doonaan Amniga Puntland, isla markaasna aysan aqbali doonin in siyaasad lagaliyo arrimaha ciidamada Difaaca.
Madaxwweyne Gaas ayaa u sheegay Golaha wasiirada Maamulkiisa in arrimaha socda aysan marnaba aqbali doonin Puntland, oo ay ciidamada Puntland yihiin kuwa si toos ah qeyb uga ah difaaca Puntland, waxa uu sidoo kale faray saraakiisha Laamaha Amniga in ay si toos ah uga wada shaqeeyaan arrimaha ku saabsan Amniga iyo daganaanshaha.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili deegaanada Maamulka Puntland ay usoo badanayaa Godoodka ay sameynayaan Ciidamada oo la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo bilooyin ah, balse Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa horey u sheegay in arrimahan la siyaasadeenayo.

