Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Ciidamo gadoodsan oo ka Tirsan kuwa Maamul Goboleedka Puntland in ay la wareegeen Xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka ee Magaaladaas.
Ciidamada la wareegay xarunta ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa Gadoodsan islamarkaana ay ka cabanayaan mushar mudooyinka bilo ah, waxa ayna diideen wax dhaq dhaqaaq ah in laga sameeyo Xarunta taasi oo cabsi gelisey Shaqaalihii halkaasi kusugnaa.
Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa arintaan hadal haya, xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale haatan ah mid aad u cakiran islamarkaana ay wali Ciidamada ay ku sugan yihiin xarunta.
Kuma cusba deeganada Maamulka Puntland goobaha ugu muhiimsan in ay la wareegaan Ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya Mushaar la’aan dhawaan ciidamo gadoodsan waxa ay la wareegeen xarunta Wakiiladda Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas ee Magaalada Boosaaso.
Dhanka kale Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland oo dhawaan warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in aysan jirin lacago ka maqan Ciidamada kala duwan ee puntland islamarkaana mushaaraadkooda la hormariyay.

