Dowladda Itoobiya Oo Safiir Cusub U Soo Magacowday Soomaaliya

0

Dowlada itoobiya ayaa badeshay safiirki u fadhiyay soomaaliya iyadoona durbaba soo magacowday safiir cusub.

Safiirka Cusub waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar ,waxaana uu horay u ahaa Safiir ku xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka u baahisa dowladda Itoobiya ee ENA ayaa sheegtay in Madaxweynaha Dalka Itoobiya Mulatu Teshome,ayaa warqad ka soo baxday Xafiiskiisa loogu magacaabay danjiraha cusub ee Itoobiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sida ay baahisay.

Lama ogo sababta keentay in la badelo safiirka dowladda itoobiya u fadhiyay soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here