Maamulka Puntland ayaa mar kale qaaday tilaabo ka dhan ah talefishinka Universaltv, kaasoo Xili dhawaan laga mamnuucay inuu kasii shaqeeyo gudaha Deeganada Puntland.
Amarkaan labaad ee puntladn aay soo saartay ayaa ah in shirkadaha baahiya Tv-yada ee kuyaala Puntland ay hawada ka saaraan Universal Tv, si muuqiisa loo waayo.
Puntladn shirkaddaha ay fariimaha u dirtay waxaa kami ah Shirkadda Dsat iyo Ileys oo ah labada shirkadood ee ay soo maraan dhammaan Kanaalada Af-Somaliga ku hadla, waxaana si rasmi ah maanta lagaga saaray Channelka Universal.
Sidoo kale Goobaha laga cunteeyo sida maqaayadaha iyo Biibatooyinka lagu shaaho ayaa lagu amray in aysan daari Karin telefeshinka Universal.

