Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka Tirsan Baarlamanka Maamulka puntland ayaa Goordhaweyd ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay Woqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug.
Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan, ayaa waxaa qaraxan uu haleelay wax yar ka dib, markii uu ka soo baxay Hotel Classic oo ku yaala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Xildhibaanka ayaa la xaqiijiyay in dhaawac culus uu soo gaaray islamarkaana loola cararay isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada amanka Maamulka puntland oo baaritaano ka sameynaya, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

