Kalluumaysato Laga Afduubtay Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug

0

Wararka Ka imaanaya deegaanka Garacad oo hoostaga degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab ay deegaanka ka afduubteen Shan ruux oo shacab ahaa.

Dadka la af-duubtay ayaa ahaa Kalluumaysato saaka badda u raadsaday kalluun, sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka Garacad oo hoostaga degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta Puntland.

Raggan ayaa ehelkooda ku war-galiyay sida la sheegay in la af-duubtay xilli lasii marsiinayay degmada Xarar-dheer oo ay maamusho xarakada Al Shabaab, waxaa ilaa haatan aan wax war ah laga heynin dadkaas.

Deegaanka Garacad oo hoostaga degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada maamulka puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here