Ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ayaa goordhaweyd gacanta ku dhigay labo nin oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dhaawac loo geystay isku duwaha wasaarada Kaluumeysiga iyo qeyraadka badda ee Gobolka mudug Mahdi Maxamed Cusmaan oo lagu dhaawacay degmada Hobyo.
C/laahi Axmed Cali (Fahad) Gudoomiyaha Degmada Hobyo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay In howlgal la sameyay lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo labo shaqsi oo uu sheegay in ay ahaayeen burcadii ka dambeysay dhaawaca.
Waxa uu tilmaamay Gudoomiyahaha Degmada Hobyo in haatan ay ku xiran yihiin Saldhiga Ciidamada Maamulka Galmudug ee Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhawaana maxkamadd lasoo taagi doono.
Dhanka kale waxaa soo hagaagaysa Xaaladda isku duwaha wasaarada Kaluumeysiga iyo qeyraadka badda ee Gobolka mudug Mahdi Maxamed Cusmaan ee la dhaawacay kaasi oo haatan la jiifiyay isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

