Daawo Muuqaal:-Somali-land oo Masaafurisay dad Lagu Eedeeyay in ay u Gafeen Diinta islaamka

0

Maamulka Somali-land ayaa deeganadiisa maanta ka masuufuriyay labo ruux ajanabi ah oo u kala shaqeynayay Hay’adaha DRC iyo DDG ee laga leeyahay Dalka Denmark.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Somali-land Maxamed aadan Qabo oo warbahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in labada shaqsi lagu helay dambi ah in ay afladeeyeen Diinta islaamka.

Wasiirka ayaa Sidoo kale sheegay in labada ruux oo u dhalatay dalka Denmarka ay kala yihiin Nin iyo haweeney islamarkaana haweeneyda ay aflagaadeysay Darawalkeeda oo salaad tukanayay xili ay kasoo dageen garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa halka Ninka uu wax ka sheegay aadaanka.

DAVID iyo NEkloy oo ah labada ruux ee laga masaafuriyay deeganada Somali-land ayaa ka kala tirsanaa Hay’adaha DDG ee Miino baarista iyo DRC ee Qaxootiga oo labaduba laga leeyahay Denmark.

https://youtu.be/3FPAhYIaoFY

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here