Raisulwasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha Shacbka iyo aqalka Sare Baarlamanka Soomaliya ayaa ka hadlay Xukuumadda uu soo dhisi doono iyo shaqooyinka horyaala.
Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kaga Mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacbka iyo aqalka Sare Baarlamanka Soomaliya sida ay codkooda u siiyeen islamarkaana ay ugua aamineen xilka uu u magacaabay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo 23-kii Bishii February.
Raisul Wasaaraha Xasan Cali kheyre ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumadiisu aysan wax dulqaad ah u yeelan doonin falalka la xariira Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta, waxana uu yiri “Waxaan ballanqaadi doonaa in qofkii lagu helo falal musuqmaasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana jiri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummaddu u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon cidna looga haybaysanayn xilka iyo mansabka dawladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”.
“Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen”, ayuu mar kale yiri Raisulwasaaraha Cusub.
“Waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay gashay rajo wanaagsan oo keentay inay si buuxda u taageeraan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Sidaas daraadeed, waa inaan rajada shacabka ka dhabeynaa, oo aan tusinaa waxqabad dhab ah oo ay isku haleyn karaan, si loo hanto kalsooninda ay shacabku u hayaan dawladdadooda”.
Xasan Cali Kheyre Raisulwasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaliya ayaa haatan laga sugayaa in uu soo magacaabo Xukuumadda cusub.

